Hoggaamiyaha Galmudug Oo Mareykanka Kala Hadlay Doorashooyinka Iyo Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay Ku-simaha Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz. Wadahadalka labada dhinac ayaa…

Hoggaamiyaha Galmudug Oo Mareykanka Kala Hadlay Doorashooyinka Iyo Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalka

Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay Ku-simaha Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz.

Wadahadalka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha amniga, iyadoo sidoo kale laga hadlay doorka dowlad-goboleedyada ee dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wadatashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, si loo gaaro is-afgarad qaran oo horseeda xasillooni siyaasadeed.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa dhankiisa Dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso Galmudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo horumarka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga labada dhinac.

Wadahadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo ku aaddan wadatashi siyaasadeed iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments