MUQDISHO – 2-da Nofeembar 2026: Go’aanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu xilka kaga qaaday Guddoomiyihii Degmada Boondheere, Cabdullaahi Xasan Sheekh Cabdi, kuna beddelay Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa mar kale bannaanka soo dhigay hab-dhaqanka maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan natiijadii doorashadii Golaha Deegaanka ee caasimadda.
Tallaabadan ayaa loo arkaa dhabar-jab kale oo ku dhacay rajadii ay qabeen dhalinyaradii iyo xubnihii u tartamay doorashadii Golaha Deegaanka ee Muqdisho, kuwaas oo shacabka ka dalbaday cod, kuna guuleystay inay matalaan bulshadooda. Hase yeeshee, waxaa muuqata in markii doorashadii la qabtay, codadkii shacabka iyo rajadii laga qabay isbeddelka maamulka degmooyinka ay wajahaan caqabado cusub.
Waxaase isweydiin mudan: Maxay ahayd ujeeddada doorashada Golaha Deegaanka haddii xilalka ugu muhiimsan ee degmooyinka lagu magacaabayo dad aan ka mid ahayn xubnihii shacabka soo doortay? Maxayse ahayd qiimaha ay lahayd in kumannaan qof ay codkooda dhiibtaan, haddii maamulka degmada uu haddana ku xirnaanayo magacaabis uu sameeyo Duqa Muqdisho?
Magacaabista Maxamed Cabdullaahi Cumar ee Degmada Boondheere ma aha dhacdadii ugu horreysay ee noocan ah. Boondheere ayaa noqoneysa degmadii Saddexaad ee guddoomiye cusub loo magacaabo tan iyo doorashadii golayaasha deegaanka Muqdisho ee 25-kii Diseembar 2025, kaddib , Deyniile iyo Shangaani. Guddiga Doorashooyinka ayaa hore uga horyimid magacaabista guddoomiyeyaasha degmooyinkan, isaga oo sheegay in golayaasha deegaanka ee la doortay ay tahay inay dhexdooda ka doortaan guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeennadooda, isla markaana tallaabo kasta oo taas ka hor imanaysa aysan sal sharci lahayn.
Doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir ee dhacday 25-kii Diseembar 2025 waxaa lagu soo doortay guud ahaan 390 xubnood oo ka kala yimid 16 degmo. Sagaal degmo oo darajada A ah ayaa min 27 xubnood laga soo doortay, halka toddobada degmo ee darajada B ah ay min 21 xubnood ka heleen doorashada. Waa 390 xubnood oo shacabka codkooda ku helay, kuwaas oo laga filayay inay door muuqda ku yeeshaan maamulka iyo hoggaaminta degmooyinka.
Haddaba, waxaa isweydiin leh halka ay ku dambeysay awooddii iyo kaalintii Golaha Deegaanka ee loo sameeyay in shacabka ay maamulkooda si toos ah uga qayb qaataan. Ma habboon tahay in xubno doorasho ku yimid ay noqdaan kuwo magac ahaan u jira, halka go’aannada iyo xilalka muhiimka ah ay gacanta ugu jiraan mas’uuliyiin kale?
Duqa Muqdisho waxaa laga sugayay inuu noqdo mas’uulka ugu horreeya ee ilaaliya natiijada doorashada, xoojiyana awoodda hay’adaha deegaanka ee shacabka soo doortay. Balse tallaabooyinka noocan ah waxay abuuri karaan sawir ka duwan ballanqaadyadii laga sameeyay doorashada, waxayna dhalinyarada ku abuuri karaan dareen ah in codkoodii aan loo tixgelin sidii ay filayeen.
Haddii doorashadu aysan horseedayn in la ixtiraamo rabitaanka shacabka iyo doorka xubnaha ay soo doorteen, waxaa halis ku jira kalsoonidii laga qabay nidaamka doorashooyinka. Muqdisho uma baahna doorasho magac uun ah, waxay u baahan tahay maamul dhab ah oo ku dhisan codka shacabka, isla xisaabtan iyo dhowrista sharciga.
From the comments