Dhuusamareeb, 5 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeystay in dowladda aysan ka tanaasuleyn qorshaha doorashada qof iyo cod, isagoo sheegay in buuqa iyo caqabadaha la socda hirgelinta nidaamkaas laga gudbi doono.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa meesha ka saaray walaaca laga muujinayo in khilaafaadka siyaasadeed ay dalka u horseedi karaan burbur ama kala-tag bulsho.
“ Tanaasul ma jiro, doorashada dalka waa qof iyo cod. Wax walba oo la bilaabayo buuq ayaa la socda waana laga gudbayaa. Dal dumaya iyo dad kala tagayana ma jiraan. Laba milyan oo qof ka badan ayaa codeeyay, wax dhib ahna ma dhicin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.




From the comments