Goobjoog

Kenya oo wajahaysa shaqo-joojin ballaaran oo gaadiidka dadweynaha ah kadib sare u kaca shidaalka

Qeybo badan oo kamid ah gaadiidleyda dadweynaha ee Kenya ayaa maanta billaabay shaqo-joojin ballaaran oo saameysay isu socodka magaalooyinka waaweyn ee dalka, kadib markii dowladda ay kordhisay qiimaha shidaalka toddobaadkii…

Kenya oo wajahaysa shaqo-joojin ballaaran oo gaadiidka dadweynaha ah kadib sare u kaca shidaalka

Qeybo badan oo kamid ah gaadiidleyda dadweynaha ee Kenya ayaa maanta billaabay shaqo-joojin ballaaran oo saameysay isu socodka magaalooyinka waaweyn ee dalka, kadib markii dowladda ay kordhisay qiimaha shidaalka toddobaadkii hore.

Magaalada Nairobi, boqolaal qof oo shaqooyin iyo iskuullo u socday ayaa ku xayirmay boosteejooyinka kadib markii matatu-yo badan ay hakad geliyeen howlahooda saqdii dhexe ee xalay.

Sidoo kale, shaqo-joojinta ayaa laga dareemay magaalooyinka Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo Eldoret.

Ururka Gaadiidka Kenya hoggaaminaya bannaanbaxa ayaa dalbaday in si degdeg ah dib loogu celiyo qiimaha shidaalka, iyagoo doonaya in halkii litir ee bansiinka iyo naaftada laga dhigo ku dhowaad 152 shilin Kenyan ah.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in sare u kaca shidaalka uu kordhiyay kharashaadka howlgalka, islamarkaana ay adag tahay in la sii wado adeegyada iyada oo aan la kordhin qiimaha rakaabka.

Qaar kamid ah shirkadaha gaadiidka sida Super Metro ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay joojiyeen adeegyada ilaa amar dambe, si ay ugu biiraan shaqo-joojinta.

Dhanka kale, booliiska Kenya ayaa sheegay in shaqo-joojintu aysan helin taageero buuxda, islamarkaana amniga la adkeeyay guud ahaan dalka, iyagoo shacabka ugu baaqay inay sii wataan howlahooda caadiga ah.

Kenya ayaa ah xarun muhiim u ah ganacsiga iyo isu socodka Bariga Afrika, waxaana sare u kaca shidaalka uu saameyn ku yeeshay dalal deris la ah sida Uganda, Rwanda, South Sudan iyo DR Congo, maadaama badeecooyinka iyo gaadiidka xamuulka ay si weyn ugu tiirsan yihiin dekedaha iyo waddooyinka Kenya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments