Goobjoog

BOOSAASO: Wiil Toorrey Ku Dilay Aabbihii oo Wasiir Hore Ka Soo Noqday Puntland

Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu la sheegay in uu toorrey ku dilay aabbihii Alle ha u naxariistee…

BOOSAASO: Wiil Toorrey Ku Dilay Aabbihii oo Wasiir Hore Ka Soo Noqday Puntland

Magaalada Boosaaso ayaa maanta waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii wiil lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu la sheegay in uu toorrey ku dilay aabbihii Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Bootaan, oo horey wasiir uga soo noqday maamulka Puntland.

Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Al-aqsa ee magaalada Boosaaso, waxaana wararka hordhaca ah sheegayaan in muran ama xaalad qoys ay dhacdadu ka dambeysay, inkastoo faahfaahin rasmi ah wali laga sugayo laamaha ammaanka.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in wiilka falka geystay uu muddo la noolaa xanuun dhimirka ah, halka ciidamada ammaankuna ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha kadib dhacdada.

Geerida Marxuum Yuusuf Bootaan ayaa gilgishay bulshada Boosaaso iyo guud ahaan Puntland, maadaama uu ka mid ahaa masuuliyiintii hore ee dowlad deegaanka kasoo shaqeeyey.

Laamaha ammaanka ayaan wali si rasmi ah uga hadlin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadan, waxaana socda baaritaanno la xiriira kiiska.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments