Goobjoog

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃, 𝐃𝐈𝐁-𝐔-𝐃𝐇𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐑𝐈𝐘𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐁𝐀𝐊𝐔 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇 𝐊𝐔𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐗𝐎𝐆𝐇𝐀𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐂𝐂-𝐃𝐀

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa kulan-doceed…

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃, 𝐃𝐈𝐁-𝐔-𝐃𝐇𝐈𝐒𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐆𝐔𝐑𝐈𝐘𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐁𝐀𝐊𝐔 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇 𝐊𝐔𝐋𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐗𝐎𝐆𝐇𝐀𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐄𝐄 𝐆𝐂𝐂-𝐃𝐀

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayuub Ismaciil Yuusuf, oo uu wehliyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa kulan-doceed muhiim ah oo ka tirsan Shirka Madasha Caalamiga ah ee Magaalooyinka Adduunka, kana socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, la yeeshay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Dalalka Khaliijka Carabta (GCC), Mudane Jaasim Maxamed Al-Budaywi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda dhinacyada horumarinta magaalooyinka, kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska iyo horumarka waara, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya u horseedi kara horumar muuqda iyo dib-u-dhis ballaaran.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso iskaashiga ay la leedahay dalalka GCC-da, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, horumarinta adeegyada bulshada iyo tayeynta kaabayaasha muhiimka u ah koboca dalka.

Kulankan oo muhiimad gaar ah u lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments