Shir ay isugu yimaadeen shirkadaha diyaaradaha Afrika, hay’adaha duulista iyo maalgeliyeyaasha ayaa looga dhawaaqay baahida deg-degga ah ee loo qabo iskaashi xooggan si wax looga qabto caqabadaha culus ee wajahaya warshadaha duulimaadyada qaaradda.
Kulanka oo ahaa Shirweynihii 14-aad ee Daneeyayaasha Duulista Hawada Afrika, laguna qabtay magaalada Johannesburg, ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala timid ku dhowaad 50 dal.
Xoghayaha guud ee Ururka Shirkadaha Diyaaradaha Afrika (AFRAA), Abderahmane Berthe, ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha Afrika ay la tacaalayaan xaalado adag oo ay ka mid yihiin kharashaadka sii kordhaya, qalalaasaha silsiladaha sahayda, cadaadiska lacagaha qalaad, yaraanta diyaaradaha iyo kaabeyaasha aan dhameystirneyn.
Berthe ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamyada kala duwan ee sharciyada duulista iyo heshiisyada adag ee u dhexeeya dalalka Afrika ay caqabad weyn ku yihiin horumarka duulimaadyada qaaradda.
“Ujeeddadu waa in la dhiso warshad duulimaad oo Afrika ah oo isku xirta qaaradda si jaban oo ammaan leh. Taasi waxay u baahan tahay iskaashi dhab ah iyo faa’iido waarta,” ayuu yiri.
Ku-simaha Agaasimaha Guud ee South African Airways, Matshela Seshibe, ayaa sheegay in shirkadaha diyaaradaha Afrika ay khasab ku tahay inay wada shaqeeyaan si loo gaaro tartan iyo joogteyn muddo dheer ah.
Wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii iskaashiga ee ay 2021 wada gaareen South African Airways iyo Kenya Airways, kaas oo fududeeyay isu gudbinta rakaabka u kala safraya Johannesburg iyo Nairobi.
Dhanka kale, ku-simaha madaxa Kenya Airways, George Kamal, ayaa ku baaqay in dowladaha Afrika ay kordhiyaan maalgashiga kaabeyaasha duulista isla markaana ay sii dabciyaan xeerarka socdaalka iyo duulimaadyada.
Wuxuu xusay in go’aankii Koonfur Afrika ay fiisaha uga qaaday muwaadiniinta Kenya uu sare u qaaday safarrada iyo isu socodka dadka labada dal.
From the comments