U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo xoojinaya iskaashiga xuquuqda aadanaha iyo nabad-dhisidda

Maajo 20, 2026

Guddiga Madaxa-bannaan ee Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay (UN Peacebuilding Fund) ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada nabad-dhisidda, horumarinta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidinayo hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira dowlad-dhiska, maamulka wanaagsan iyo kobcinta awoodda hay’adaha qaranka.

Mas’uulka Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay, Brian James Williams, ayaa bogaadiyey shaqada guddiga xuquuqda aadanaha iyo dadaallada ay ku bixiyaan ilaalinta isla xisaabtanka iyo xuquuqda aadanaha, inkastoo ay jiraan duruufo adag oo dalka ka jira.

Guddoomiyaha guddiga, Maryan Qaasim, ayaa dhankeeda carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya hesho taageero caalami ah oo joogto ah si loo xoojiyo hay’adaha u xilsaaran ilaalinta xuquuqda shacabka iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta muddada dheer si loo adkeeyo dadaallada nabad-dhisidda iyo tayeynta hay’adaha xuquuqda aadanaha, xilli Soomaaliya ay wali waddo dib u dhiska dowladnimada kadib sanado colaado iyo caqabado amni.