Goobjoog

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Imaaraatku uu Suudaan ka qortay calooshood-u-Shaqeystayaal ka Garab dagaallama PSF

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in shirkad xiriir la leh Imaaraadka Carabtu ay shaqaaleysiisay dagaalyahanno calooshood-u-shaqeystayaal ah oo u dhashay dalka Colombia, kuwaas oo loo diray dalka Suudaan si ay uga qayb qaataan dagaalka ka socda dalkaasi.

Warbixintan ayaa iftiiminaysa eedeymo la xiriira taageero ciidan iyo mid saadka ah oo dibadda uga imaanaysa xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF), kuwaas oo dagaal kula jira Ciidanka Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), tan iyo markii uu dagaalku qarxay bishii Abriil 2023.

Dagaalka oo muddo ka badan saddex sano ka socda dalka Suudaan ayaa sababay burbur xooggan, dhimashada tobannaan kun oo qof, barakaca malaayiin kale iyo tacaddiyo baahsan oo ka dhacay qeybo badan oo dalkaasi ka mid ah, gaar ahaan gobolka Daarfuur.

Dhacdooyinkaasi ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin shabakado isku xiran oo ka shaqeeya qorista, tababarka, maalgelinta iyo gaarsiinta dagaalyahanno ajaanib ah, kuwaas oo taageero siinaya RSF.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa xustay in ilaa 2,000 oo askari oo hore uga tirsanaa ciidamada Colombia la geeyay Suudaan, kuwaas oo qaarkood si toos ah uga qeyb qaatay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, madaafiicda iyo hubka casriga ah ee goobaha dagaalka.

Sidoo kale, baaritaan ay hore u sameysay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa tilmaamay in shirkad fadhigeedu yahay magaalada Abu Dhabi oo lagu magacaabo Global Security Services Group (GSSG) ay u muuqato inay door weyn ku lahayd qorista dagaalyahannada Colombia iyo u diristooda Suudaan.

Baaritaankaasi wuxuu sidoo kale xusay in qaar ka mid ah dagaalyahannada ay soo mareen saldhigyo milatari oo ku yaalla Imaaraadka ka hor inta aan loo gudbin goobaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beenisay eedeymaha la xiriira taageerada militari ee ay siinayso xoogagga RSF, iyadoo sheegtay inaysan wax sal ah lahayn.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments