Goobjoog

Beesha Caalamka oo Walaac ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya

Dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan muranka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka. Qoraal wadajir…

Beesha Caalamka oo Walaac ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya

Dalal iyo hay’ado caalami ah ayaa si wadajir ah uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan muranka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Qoraal wadajir ah oo ay saxiixeen safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada Soomaalida looga baahan yahay inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada, isla markaana ay gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka iyo jadwalka doorashooyinka, si loo ilaaliyo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay inay taageerto wada-hadallo Soomaaliyeed oo xal loogu raadinayo khilaafaadka jira, haddii looga baahdo.

War-saxaafadeedka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay madaxda Soomaalida inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta sii kordhinta xiisadaha iyo qalalaasaha siyaasadeed.

Qoraalkan waxaa saxiixay safaaradaha dalalka reer Yurub, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, kuwaas oo dhammaantood ku baaqay in wadahadal iyo is-afgarad lagu xalliyo muranka siyaasadeed ee taagan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments