U bood dhigaalka

Mawjadaha Mucaaradka: Mucaaradka oo xoojiyay dhaqdhaqaaqyadooda, xilli la filayo mid ka mid ah bannaanbaxyadii ugu waaweynaa ee ka dhaca Muqdisho

Juun 3, 2026

Magaalada Muqdisho ayaa martigelinaysa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogaysanaya, iyadoo wararku sheegayaan in maalmaha soo socda la filayo bannaanbaxyo iyo isu-soo-baxyo ay abaabulayaan siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo horjeeda dowladda federaalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa degay aagga Marinaayo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayadoo odayaasha dhaqanka beeshiisu ay halkaasi ku guddoonsiiyeen geel ay ku xoojinayaan dhaqdhaqaaqiisa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa isaguna degay aagga Sayidka, halkaas oo uu ka wada kulamo siyaasadeed iyo abaabul la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Labada goobood ee Marinaayo iyo Sayidka ayaa leh xusuus siyaasadeed oo gaar ah, maadaama ay ka mid ahaayeen meelihii ay isku horfadhiyeen ciidamadii la baxay Badbaado Qaran iyo ciidamadii dowladda xilligii muranka ka dhashay  muddo-kororsigii la isku qabtay sanadkii 2021.

Dhaqdhaqaaqyada hadda socda ayaa kusoo beegmaya xilli uu muran ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka iyo isbeddellada dastuurka ee ay dowladda federaalku waddo.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka leexatay hannaankii wadatashiga siyaasadeed, halka dowladda ay ku adkeysanayso in isbeddellada dastuurka iyo qorshaheeda siyaasadeed ee qabashada  doorasho  qof  iyo cod ahi ay waafaqsan yihiin sharciyada dalka.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada ka socda Muqdisho ay muujinayaan marxalad cusub oo loollan siyaasadeed, taasoo u baahan wada-hadal iyo is-afgarad si looga fogaado xiisado amni iyo kuwo siyaasadeed oo hor leh.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda in ay dhacaan bannaanbaxyo ay mucaaradku hor boodayaan, halka dawladda Soomaaliya ay isku diyaarinayso ka hortag adag oo lagu xakamaynayo dibed baxyadaas.