Goobjoog

Mareykanka oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Rabshadaha Muqdisho

MUQDISHO – Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay rabshadaha iyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda sii xumaaneysa ay khatar ku tahay amniga, midnimada iyo mustaqbalka…

Mareykanka oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Rabshadaha Muqdisho

MUQDISHO – Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay rabshadaha iyo dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda sii xumaaneysa ay khatar ku tahay amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Qoraal ay baahisay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshadaha ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo aan laga fiirsan, isla markaana dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay saaran tahay mas’uuliyadda ilaalinta xasilloonida dalka iyo in khilaafaadka lagu xalliyo waddo nabadeed.

“Madaxda Soomaaliyeed ee dhammaan dhinacyada waxay leeyihiin waajibaad ay ku ilaaliyaan xasilloonida isla markaana ay ku xalliyaan kala duwanaanshahooda si nabad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyinka la qaado saacadaha iyo maalmaha soo socda ay yeelan karaan cawaaqib waqti dheer saameyn ku yeesha amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dagaallo iyo iska horimaadyo hubeysan ay ka socdaan qaybo ka mid ah Muqdisho, kuwaas oo sababay cabsi iyo walaac xooggan oo soo food saaray shacabka ku nool caasimadda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments