Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhowaan ciidanka qaranka ka howlgelin doonto deegaannada Soomaaliland, si ay u ilaaliyaan midnimada iyo wadajirka dalka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa sheegay in ay jiraan dalal iyo dhinacyo shisheeye oo uu ku eedeeyay inay doonayaan kala qaybinta Soomaaliya iyo carqaladeynta midnimadeeda.
Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, Danjire Warfaa ayuu ku sheegay in arrinta Soomaaliland ay tahay arrin gudaha Soomaaliya quseysa, isla markaana aan loo aqbali karin faragelin dibadeed oo lagu taageerayo gooni-u-goosad.
Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka, isagoo xusay in qorshayaal lagu xoojinayo joogitaanka dowladda ee deegaannada waqooyi ay socdaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed la geyn doono qaybo ka mid ah gobollada waqooyi ee dalka, isagoo xusay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera inay ka mid yihiin meelaha la qorsheynayo in ciidamada lagu geeyo mustaqbalka dhow.
Hadallada Danjire Warfaa ayaa kusoo beegmaya xilli uu maamulka Israa’iil dhowaan aqoonsi muran badan dhaliyay siiyay Soomaaliland, islamarkaana ay jiraan dalal kale arrintaas faraha kula jiraahi.