Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo iyo Sharif Sheikh Ahmed, ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kaga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga Sheekh Shariif iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Farmaajo ayaa sheegay in hubkii lagu weeraray hoyga Sheekh Shariif uu ahaa hub markii hore loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay in loo adeegsaday si ka baxsan ujeeddadii loo keenay dalka.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in Sheekh Shariif uu yahay hoggaamiye qaran oo door muhiim ah ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, isla markaana uu qeyb weyn ku lahaa dagaalladii lagu xoreeyay Muqdisho iyo deegaanno kale oo dalka ka tirsan.
Dhankiisa, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday hoygiisa, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo xasilloonida dalka lagana fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha siyaasadeed.
Labada madaxweyne hore ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, waxayna ku baaqeen in xal kasta lagu gaaro wada-hadal, is-afgarad siyaasadeed iyo ixtiraamka dastuurka dalka.
Sidoo kale waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la qabto doorasho heshiis lagu yahay, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
Shirka jaraa’id ayaa yimid xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo falcelimaha ka dhashay weerarkii lagu qaaday hoyga Sheekh Shariif, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa.
From the comments