Kulan ballaaran oo si weyn loogu taageerayay Musharax Madaxweynaha Galmudug, Liiban Axmed Xasan, ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen Salaadinta, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo dhalinyarada ka soo jeeda beelaha Sacad iyo Cayr.
Kulankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray taageerada buuxda ee musharax Liiban Axmed Xasan, iyadoo beelaha Sacad iyo Cayr ay muujiyeen midnimo, wadajir iyo diyaar garow ay ku garab taagan yihiin himilada siyaasadeed ee musharaxa.
Odayaasha iyo waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa si cad u sheegay in ay aaminsan yihiin hoggaanka iyo kartida Liiban Ahmed Xasan, iyagoo tilmaamay in uu yahay shaqsi leh waayo-aragnimo, karti iyo aragti fog oo lagu horumarin karo maamulka Galmudug.
Sidoo kale, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada dadaallada lagu hormarinayo Dorashoyinka qof iyo cod ee ka qabsoon Degaanada Galmudug.
Gabagabadii kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadajirka beelaha Sacad iyo Cayr, iyo in si buuxda loo garab istaago musharaxa, si loo gaaro yoolka ah Galmudug nabad ah, horumar leh oo mideysan.
From the comments