Maanta waxaa laga joogaa afar sano markii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa Ra’iisul Wasaarihii ugu muddada dheeraa ee xilka haya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xilka loo magacaabay 15-kii bishii Juun 2022, hal bil kaddib markii dib loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, 15-kii May 2022.
Mudadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayay, waxaa jiray wada-shaqayn dhow iyo is-afgarad siyaasadeed oo u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, taas oo si weyn uga duwan khilaafaadkii siyaasadeed ee marar badan hareeyay hoggaamiyeyaashii dalka soo maray.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa tilmaamaya in xasilloonida iyo wada-shaqaynta labada mas’uul ay gacan ka geysteen joogtaynta howlaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaal badan oo is qab qabsigu uu gaabis gelin jiray.
Sidoo kale, afartii sano ee la soo dhaafay waxaa jiray xiriir shaqo oo deggan oo u dhexeeyay xukuumadda iyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo aan la diiwaangelin khilaafyo waaweyn oo saameyn ku yeeshay hanaanka dowladnimada.
arrintan ayaa loo arka astaan muujinaysa qaan-gaarnimo siyaasadeed iyo horumar laga sameeyay dhismaha hay’adaha dowladda, maadaama iskaashiga u dhexeeya laamaha fulinta iyo sharci-dejinta uu muhiim u yahay xasilloonida iyo hufnaanta maamulka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale door muuqda ka qaatay dadaallada dowladda ee dhinacyada amniga, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.