Goobjoog

Warbixin Cusub oo Muujisay Caqabadaha Horyaalla Carruurta Soomaaliyeed

Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), iyadoo kaashanaysa UNICEF Soomaaliya, ayaa daahfurtay warbixinta Falanqaynta Saboolnimada iyo Duruufaha Kala Duwan ee Carruurta Soomaaliya, taas oo bixineysa xog muhiim ah oo lagu xoojinayo…

Warbixin Cusub oo Muujisay Caqabadaha Horyaalla Carruurta Soomaaliyeed

Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed (SNBS), iyadoo kaashanaysa UNICEF Soomaaliya, ayaa daahfurtay warbixinta Falanqaynta Saboolnimada iyo Duruufaha Kala Duwan ee Carruurta Soomaaliya, taas oo bixineysa xog muhiim ah oo lagu xoojinayo siyaasadaha, qorsheynta, maalgashiga iyo adeegyada ku wajahan carruurta Soomaaliyeed.

Warbixintan ayaa waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene).

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Prof. Saalim Caliyoow Ibroow, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi, Agaasimaha Guud ee SNBS Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha Dr. Xasan Aadan Hoosow, Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Sandra Lattouf.

Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, hay’adaha Qaramada Midoobay, saaxiibbada horumarinta, ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo daneeyayaal kale.

Warbixintan oo ku saleysan xogta Sahanka Miisaaniyadda Qoysaska Soomaaliya ee sanadkii 2022 (SIHBS), ayaa qiimeyn ku sameysay xaaladda carruurta iyadoo la eegayo dhinacyo muhiim ah sida hoyga, nadaafadda, waxbarashada, nafaqada, biyaha iyo helitaanka macluumaadka.

Natiijooyinka ayaa muujinaysa baahida loo qabo in si isku-dhafan loo wajaho caqabadaha badan ee isku mar saameeya carruurta Soomaaliyeed.

Khudbaddiisii furitaanka, Wasiir Beenebeene ayaa sheegay in maalgashiga carruurta uu yahay maalgashi lagu sameynayo mustaqbalka Soomaaliya, isagoo xusay in xogta la isku halayn karo iyo tirakoobyada rasmiga ahi ay muhiim u yihiin dejinta siyaasado wax ku ool ah, gaarsiinta adeegyada meelaha ugu baahan iyo hubinta in carruurta Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee SNBS Dr. Cabdisalaam Maxamed ayaa sheegay in ka qeybgalka heerka sare ee munaasabaddu uu muujinayo sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyadu in carruurta Soomaaliyeed loo abuuro fursado ay ku noolaadaan, wax ku bartaan, ku koraan isla markaana ku gaaraan awooddooda buuxda.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qiimaha dhabta ah ee xogtu uu ku jiro sida loogu beddelo go’aanno iyo tallaabooyin horseeda natiijooyin wanaagsan.

Warbixintan ayaa la filayaa inay noqoto saldhig muhiim ah oo lagu taageero hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya (2025–2029), Hiigsiga Qaranka 2060 iyo Yoolalka Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (SDGs).

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments

Abdikarem Maruf

Jun 20

War isii hee