Muddo ka badan soddon sano oo ay Soomaalilaan ka shaqaynaysay gooni-isu-taag, waxa ay iibgeysay dood ku qotontay waxqabadkeeda gudaha: nabadgelyo, hay’ado shaqaynaya, xukunka oo la isku wareejiyo si dimuqraadi ah, iyo ka soocnaanta siyaasadihii xasilloonidarro ee Soomaaliya inteeda kale ka aloosnaa. Hasayeeshee, marka si dhow loo eego, doodahaas badankooda waxa jira xaqiiqooyin si weyn u wiiqaya. Dimuqraadiyadda ayaan noqon mid sidii la filayay u qaangaadhay, oo waxa ragaadiyay caado siyaasadeed oo Soomaalilaan u diiday in ay muddaxilleedayada ay ku ilaaliso sida sharcigeedu dhigayay, waana ta keentay dhammaan doorashooyinkii kala duwan ee ay Soomaalilaan qabsatay muddadii ay waday in dhammaan ay ku qabsoomaan muddadhaaf aan wadan sababo macquul ah ama sharci ah. Sidoo kale, dhaqangalka hay’adaha dawliga ah, marar badan, waxay u muuqdeen kuwo aan doodaha adag ee dawladdhiska aan maarayn karin; tusaale ahaan, doorashadii u danbaysay waxa meel mariyay qaraar ay soo saareen guddi odhay dhaqameed ah oo meesha ka saaray xeerar iyo sharciyo uu Baarlamaanka Soomaalilaan hore u meelmariyay.
War
Maxay ka Nuugtaa, Maxayse ku Nuugtaa? Tijaabada Xidhiidhka Soomaalilaan ee Israa’iil iyo Dhimashada Mashruuca Aqoonsi-raadinta
Muddo ka badan soddon sano oo ay Soomaalilaan ka shaqaynaysay gooni-isu-taag, waxa ay iibgeysay dood ku qotontay waxqabadkeeda gudaha: nabadgelyo, hay’ado shaqaynaya, xukunka oo la isku wareejiyo si dimuqraadi ah,…

Dhinaca amniga iyo nabadgalyada, inkasta oo ay Soomaalilaan ku naaloonaysay xasillooni iyo nabadgalyo (Relative peace), haddana marnaba ma wada gaadhin gacan-ku-haynta dhamaan dhulka ay sheegato, ugu danbayna dagaal iyo dil badan kadib, 25kii Diisambar 2023 ayay Soomaalilaan lumisay badiba dhulka bariga iyo caasimada Laascaanood oo ay dadka degaannadaasi si weyn uga soo hor jeedeen qaddiyadda gooni-isu-taagga ay Soomaalilaan baadigoobaysay. Si kastaba ha ahaatee, cilladahaasi muddo dheer dibadda ugamay soo bixin si shaacsan, waxa ayna dusha uga muuqatay qaddiyada Soomaalilaan mid ka duwan sheekada qaran ee Soomaaliya inteeda kale, waxa ayna siinaysay dood looqaateen ah.
Dhinaca kale, aqoonsiga dawladuhu aqoonsadaan maamul cusub ma aha mid kaliya ku xidhan sharcinimada iyo xaqnimada; beddelkeeda, waxa go’aamiya awood, dano, iyo xisaabo juquraafi-siyaasadeed oo heer caalami ah. Soomaalilaan waxa ay u muuqataa in ay quus ka soo istaagtay in guulaheeda gudaha ee ay iibgaynaysay aanay kaligood u horseedi doonin aqoonsi heer caalami ah. Taasi ayaana ku riixday istiraatijiyad cusub oo lagu tilmaami karo qar-iska-xoornimo diblomaasiyadeed. Waxa ay bilowday in ay si aan loo baahnayn u colaysato Shiinaha iyada oo xidhiidh rasmi ah la samaysay Taywaan, waxa ay isku dayday in ay dhul ku beddelato aqoonsi heshiiskii is-afgaradka ahaa (MOU) ee ay Itoobiya la gashay, ugu dambayna waxa ay dooratay in ay la safato Israa’iil xilli ay wajahaysay go’doonkii ugu cuslaa ee diblomaasiyadeed. Halkan ayay Soomaalilaan ku gashay khalad istiraatiiji ah midkii ugu cuslaa. Soomaalilaan waxa ay dooratay in ay dhexda uga gasho dabinno juquraafi-siyaasadeed, kuwa ugu culus qarnigan 21aad, kuwaas oo ah Taywaan iyo Israa’iil, oo ay xidhiidho la samaysay. Waxa ay ka leexatay waddo si taxaddar leh ay ugu raadin lahayd aqoonsi wadar-oggol caalami ah; beddelkeeda, waxa ay dooratay xisaabo juquraafi-siyaasadeed oo leh culays caalami ah oo aanay diyaar u noqon karin u babacdhiggooda, iyada oo si aan loo baahnayn uga hor timid danaha quwado waaweyn oo dunida saamayn ku leh.
Soomaalilaan waxa ay si indho la’aan istiraatiiji ah khalad ugu dhacday xidhiidhkii ay la samaysay Taywaan. Inkasta oo uu ahaa mid ismuujin ah, tallaabadaasi waxa ay si dhab ah uga cadhaysiisay, cadaawad joogto ahna ugu abuurtay Shiinaha, oo ah waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha weyn adduunka, sidoo kalana ah xubin joogto ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, isla markaasna leh mid ka mid ah saamaynnada ugu waaweyn Afrika dhinacyada diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha. Siyaasadaha Bayjiin ee caanka ah, oo ay ka mid tahay diidmada gooni-isu-taagyada, waxa la saadaalin karayay in aanay waligeed si dhab ah u aqoonsan doonin Soomaalilaan keligeed, laakiin istiraatiiji ahaan waxa qiimo ugu jiray Soomaalilaan in ay ka fogaato in ay siyaasad iska hor imaad ah ku wajahdo awood caalami ah sida Shiinaha oo kale. Soomaalilaan si iskeed ah ayay iskaga soo xidhay albaabkaas saamaynta weyn leh. Halkii ay ka ballaadhin lahayd fursadaha diblomaasiyadeed, waxa ay cidhiidhi gelisay fursadihii aadka u yaraa ee ay haysatay.
Marka labaad, halka ay sida weyn Soomaalilaan isku aastay waxay ahayd markii ay xidhiidh la yeelatay dawladda gumaysiga ah ee Israa’iil. Waqtigu ma ahayn ka hor 7dii Oktoobar iyo dagaalladii Bariga Dhexe ee ka dambeeyay, ee waxa uu ahaa xilli ay Israa’iil ku jirtay go’doonkii ugu xumaa ee ay dawlad gasho casrigan aynu joogno. Xilligu waxa uu ku soo beegmay xilli ay dunida inteeda badani si weyn u dhaleecaynayeen bahalnimada Israa’iil, nasiib darro se, Soomaalilaan waxa ay dooratay in ay la safato mid ka mid ah nidaamyada ugu takoorka badan caalamka ay aqoonsiga ka raadinaysay.
Dhinaca kale, xilligu waa xilli adag oo lagu tilmaamay in ay dunidu ku jirto isbeddello la xidhiidha nidaamka caalamka. Waxa ay u muuqataa in istiraatiijiyadda Soomaalilaan ay weli ka soo dhaan-qaadanayso xilliyadii Maraykanka kelidii uu wax ka beddeli jiray siyaasadaha caalamiga ah. Xilligaasi wuu dhammaanayaa, sidii uu sheegay Raysal Wasaaraha Kanada shirkii Daafoos ee 2025. Nidaamka caalamiga ahi waxa uu u guurayaa nidaam awoodo badan (Multipolar), kaas oo waddamada saamaynta lihi ay yihiin awoodo goboleed. Shiinaha, Hindiya, iyo Yurub oo ka xadhigfuranaysa Maraykankaba, waxa ay leeyihiin awood iyo saamayn ka badan intii hore ay u lahaayeen. Awoodo gobol oo ay ka mid yihiin Turkiga, Sacuudi Carabiya iyo Masarba waxa ay maanta leeyihiin awood ay ku saamayn karaan siyaasadaha gobolkooda. Inta badan waddamadan, inkastoo ay ku kala duwan yihiin aragtiyahooda, waxay ku midoobaan hal qodob: in midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay sii ahaato mid aan la taaban. Turkigu si weyn ayuu u maalgeliyay hay’adaha dawliga ah ee Soomaaliya. Masar waxay Soomaaliya u aragtaa lama huraan istiraatiiji ah marka ay timaaddo amniga Badda Cas iyo webiga Niil. Shiinuhu wuxuu leeyahay dano cadcad oo uu kaga soo horjeedo tusaalooyinka gooni-u-goosadka, halka Sacuudi Carabiya ay mudnaanta siiso xasilloonida gobolka halkii ay ka geli lahayd tijaabooyin siyaasadeed. Wadajir ahaan, waddamadan waxay leeyihiin miisaan diblomaasiyadeed oo ku filan inay ka hortagaan ama ay curyaamiyaan dadaal kasta oo ay Israa’iil ama Imaaraadku u sameeyaan Soomaalilaan.
Sidoo kale, waxa khalad ah mala-awaalka ah in Maraykanku leeyahay sabab istiraatiiji ah oo uu ku aqoonsado Soomaalilaan. Waashitoon waxa ay hore u haysataa ama ay heli kartaa dhammaan faa’iidooyinka la sheego, sida faa’iidada goobta istiraatiijiga ah, marinbadeedka, sirdoonka, iyo ladagaallanka argagixisada, iyada oo aan bixin qiimaha diblomaasiyadeed ee aqoonsiga Soomaalilaan goobaysaa. Aqoonsi hal dhinac ahi wuxuu dhaawac aan loo baahnayn u geysan karaa xidhiidhka uu la leeyahay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna cidhiidhi gelinayaa xidhiidhka saaxiibbada gobolka iyo taageerada Midowga Afrika, isla markaasna waxa uu suurtagal ka dhigi karaa xidhiidh qoto dheer oo Shiinuhu fursad ugu helo isku ballaadhinta saamaynta Geeska Afrika, oo uu hadda Maraykanku ku amar-ku-taagleeyo. Marka lagu akhriyo aragtida Riyaliistiga (Realist), waxa ay abuuraysaa khasaare istiraatiiji ah oo ka badan faa’iidada uu haddaba in badan haysto si bilaash ah. Ma jirto quwad weyn ama mid dhexe oo u badheedhi karta siyaasadaha qar-iska-xoorka ah sida Israa’iil oo kale, sababta oo ah ma jirto dawlad wajahaysa go’doonka Israa’iil ay wajahayso oo miciinbidaysa Soomaalilaan.
Ugu danbayn, Soomaalilaan waxa ay afka saartay dariiq hore ka oodan, waxay samaysatay cadow laga baaqsan karayay, sidoo kale waxa ay dooratay istiraatiijiyad is-dumin ah. Halkii ay doorbidi lahayd istiraatiijiyad iyo siyaasad debacsanaan ah, waxa ay cadowsatay Shiinaha, waxa ay iska fogaysay xidhiidhka waddamo Muslimiin ah oo saamayn leh, isla markaana waxa ay qaddiyaddeeda ku toshay laba khilaaf oo siyaasadeed oo ka mid ah kuwa ugu murugsan qarnigan 21aad. Soomaalilaan may haysan fursad ay ku ciyaarto diblomaasiyad aydhiyalooji ah (ideological diplomacy), ee waxay haysatay fursad ay ku raadiso wadar-oggol iyo in ay dunida u muujiso in ay qaangaadh tahay. Haddii ay hore qaddiyadda Soomaalilaan u ahaan jirtay mid gudaha ka dabacsan oo aanay raalli ka wada ahayn deegaannada ay sheegato, tallaabooyinkan qar-iska-xoornimada ahi waxa ay sii murjiyeen fursad kasta oo ay dibadda kaga heli lahayd garawshiiyo iyo taageero.
Injineer Yacquub Nuux
Aqoonyahan daneeya siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah
Goobjoog Newsletter
Ka hel Goobjoog wixii cusub.
Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.



From the comments