Goobjoog

Wasiir Cali Balcad oo Beeniyay Wararka Safar Qarsoodi ah oo lagu sheegay inuu ku tagay Tel Aviv

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali Balcad, ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Tel…

Wasiir Cali Balcad oo Beeniyay Wararka Safar Qarsoodi ah oo lagu sheegay inuu ku tagay Tel Aviv

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali Balcad, ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay inuu safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Tel Aviv.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu wasiirku ku sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isagoo ku tilmaamay dacaayado iyo xog been abuur ah oo lagu marin habaabinayo shacabka.

Wasiirka ayaa caddeeyay inuusan wax safar ah ku tegin Israa’iil, islamarkaana uu sii wadi doono gudashada waajibaadkiisa qaran.

Beeninta wasiirka ayaa timid kadib markii baraha bulshada lagu baahiyay warar iyo sawirro lagu sheegay inuu booqasho qarsoodi ah ku tegay Tel Aviv, arrintaas oo dhalisay dood iyo falcelin kala duwan.

Wasiir Cali Balcad ayaa ugu baaqay bulshada inay ka feejignaadaan xogaha aan la hubin ee lagu faafiyo baraha bulshada, islamarkaana ay ku kalsoonaadaan wararka ka soo baxa ilaha rasmiga ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments