Goobjoog

Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Isfahamka Mareykanka iyo Iiraan ee Lagu Yareynayo Xiisadaha Gobolka

Muqdisho, Juun 23, 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay isfahamka iyo is-afgaradka dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay…

Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Isfahamka Mareykanka iyo Iiraan ee Lagu Yareynayo Xiisadaha Gobolka

Muqdisho, Juun 23, 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay isfahamka iyo is-afgaradka dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo gacan ka geysan karta dejinta xiisadaha iyo xoojinta nabadda gobolka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay xal kasta oo lagu gaaro wada-hadal, is-faham iyo diblomaasiyad, halkii laga dooran lahaa iska-horimaad iyo colaado sii hurin kara amniga gobolka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadisay dadaallada ay hormuudka ka yihiin dalalka Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudiga iyo Turkiga, kuwaas oo door muuqda ka qaatay dhiirrigelinta wada-hadallada iyo xasillinta xaaladda.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay doorka Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump ee dadaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo nabadda iyo amniga gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay rajaynayso in isfahamkan cusub uu horseedo xasillooni waarta, ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, sugidda xorriyadda maraakiibta ee marin-biyoodka muhiimka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay taageeridda diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah iyo xalinta khilaafaadka si nabad ah, iyadoo ku baaqday in la sii xoojiyo dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments