Goobjoog

Puntland oo ka Mamnuucday Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Federaalka ah Deegaannadeeda

Maamulka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed cusub oo ay ku shaacisay tallaabooyin amni iyo siyaasadeed oo adag, kuwaas oo ay ku jiraan mamnuucid lagu soo rogay mas’uuliyiinta ciidamada iyo siyaasiyiinta…

Puntland oo ka Mamnuucday Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Federaalka ah Deegaannadeeda

Maamulka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed cusub oo ay ku shaacisay tallaabooyin amni iyo siyaasadeed oo adag, kuwaas oo ay ku jiraan mamnuucid lagu soo rogay mas’uuliyiinta ciidamada iyo siyaasiyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu eedeeyay inay qalalaase ka abuuri karaan deegaannada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan Puntland gudaheeda lagu qaban karin shirar ama dhaqdhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyaad sharci-darro ah, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas lala tiigsan doono sharciga.

Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in aan deegaannadeeda lagu oggolaan doonin joogitaanka ciidan aan hoos imanayn maamulka Puntland, iyadoo dowladda Federaalka looga digay in aysan soo daabulin ciidamo ama hub aan sharci ahayn gudaha Puntland.

Go’aannadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Garoowe ku kulmayaan siyaasiyiin mucaarad ah, isla markaana ay soo baxayeen warar la xiriira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay sidoo kale ku baaqday in la ixtiraamo nidaamka amniga iyo maamulka ka jira deegaannadeeda, iyadoo sheegtay in cid kasta oo ku xadgudubta amniga ama xasilloonida Puntland laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah.

Go’aannadan cusub ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo labada dhinac u dhexeeya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments