Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Gobolka Banaadir, ayaa xiray Cabdullaahi Abuukar Cali oo ka mid ah wariyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho, kadib amar ay sheegeen inuu kasoo baxay hay’adaha garsoorka dalka.
War-saxaafadeed ay soo saareen Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in xarigga wariyaha lagu fuliyay amar maxkamadeed, iyadoo lagu eedeeyay falal ay boolisku ku tilmaameen kuwo ka hor imanaya sharciga dalka iyo anshaxa mihnadda saxaafadda.
Sida lagu sheegay warbixinta Booliska, Cabdullaahi Abuukar Cali waxaa lagu eedeeyay inuu faafiyay hadallo iyo eedeymo loo arkay kuwo dhaawacaya sumcadda hay’adaha garsoorka dalka.
Sidoo kale, waxay boolisku sheegeen in lagu tuhunsan yahay faafinta warar aan la xaqiijin, baahinta xog lagu tilmaamay mid saameyn ku yeelan karta amniga iyo xasilloonida bulshada, iyo sameynta waxyaabo lagu sheegay marin-habaabin dadweyne.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in xorriyadda hadalka iyo madax-bannaanida warbaahintu ay yihiin xuquuqo uu damaanad qaaday sharciga dalka, balse ay lagama maarmaan tahay in loo adeegsado si waafaqsan xeerarka dalka, anshaxa saxaafadda iyo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta amniga iyo wadajirka bulshada.
Dhanka kale, Booliska ayaa uga digay dadka isticmaala warbaahinta iyo baraha bulshada inay ka fogaadaan faafinta warar been abuur ah, kicinta bulshada iyo falal kasta oo lid ku ah sharciga, iyagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falalkaas.
Booliska iyo garsoorka Soomaaliya oo aan weli sharci iyo tallaabooyin wax looga hortago dhaqan-xumada baraha bulshada iyo iska horkeenka bulshada la imaan ayaa u muuqda in ay si joogto ah u bartilmaameedsanayaan wariyaasha Muqdisho.