Goobjoog

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo ka digtay khataraha xilliga bad-xiranka

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga digeyso ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed khataraha ka dhalan kara xilliga…

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda oo ka digtay khataraha xilliga bad-xiranka

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga digeyso ganacsatada, kalluumeysatada, milkiilayaasha gaadiidka badda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed khataraha ka dhalan kara xilliga bad-xiranka, oo si rasmi ah u billowday 1-da Juun 2026 kuna eg 15-ka Sebtembar 2026.

Wasaaraddu waxay sheegtay in muddadan la filayo mowjado iyo dabeylo xooggan oo ka dhasha Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, taas oo khatar gelin karta isku socodka badda.

Sidoo kale, waxaa lagu wargeliyay doomaha yaryar, kuwa waaweyn iyo maraakiibta cabbirkoodu ka yar yahay 1,500 Metric Ton inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, halka shacabka looga digay inay ka fogaadaan safarrada badda inta lagu jiro muddadan si looga hortago khasaaraha naf iyo maal.

Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay si masuuliyad leh u qaataan digniintan, si loo ilaaliyo badqabka dadka iyo hantida inta lagu jiro xilliga bad-xiranka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments