Musharrax Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda weyn ee 1-da Luulyo oo ku beegan maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.
Liibaan Axmed Xasan ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin qiimo weyn ugu fadhisa shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana lagu xusuusto halgankii dheeraa, geesinimadii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen halyeeyadii Soomaaliyeed ee horseeday xorriyadda dalka iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed.
“1-da Luulyo waa maalin qiimo gooni ah noogu fadhisa oo aan ku xusuusanno halgankii dheeraa, geesinimadii iyo naf-hurnimadii halyeeyadii Soomaaliyeed ee horseeday xorriyadda iyo midnimada aan maanta ku naaloonayno,” ayuu yiri Musharrax Liibaan Axmed Xasan.




From the comments