Muqdisho – Naadiya Maxamed, Duqa Magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, ka dib safar ay ku timid dalka.
Soo dhowaynta Naadiya Maxamed waxaa ka qeybgalay madax iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladda, xildhibaanno, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, mas’uuliyiin dawladeed, aqoonyahanno, waxgarad, odayaal, dhallinyaro, haween iyo boqollaal qof oo ka mid ah bulshada rayidka ah. Waxaa, sidoo kale, soo dhowaynta qeyb ka ahaa Siihayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, oo ka mid ahayd masuuliyiintii qaabbishay wefdiga.
Naadiya Maxamed ayaa diiwaanka taariikhda ku gashay sannadkii 2023, libintii ay ka soo hoyisay carriga Maraykanka, ka dib markii loo doortay Duqa Magaalada St. Louis Park, iyadoo noqotay haweenaydii ugu horraysay oo Soomaali ah ee loo doorto xilka duqmagaalo oo dalka Maraykanka ah, isla markaasna noqotay duqii ugu horreeyay ee Muslin iyo qof madow ah ee hoggaamiya magaaladaas. Guusheeda taariikhiga ah ayaa noqotay astaan muujinaysa kaalinta isa soo taraysa ee Soomaalidu ku leedahay hoggaanka iyo siyaasadda caalamka.




From the comments