Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed (NCA) ayaa si rasmi ah uga codsatay shirkadda Meta Platforms inay hakiso hirgelinta adeegga cusub ee “WhatsApp Usernames” gudaha Soomaaliya, iyadoo walaac laga muujiyay saameynta amni iyo sharci ee adeeggan cusub.
NCA ayaa sheegtay in adeegga “Usernames” uu u baahan yahay dib-u-eegis iyo wadatashi dhinaca sharciyeynta ah ka hor inta aan loo oggolaan isticmaalayaasha Soomaaliyeed, si loo hubiyo badqabka dadka isticmaala barnaamijka WhatsApp iyo ilaalinta xogtooda gaarka ah.
Hay’addu waxay xustay in tiknoolajiyad kasta oo cusub oo saameyn ku leh shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay in lagu sameeyo qiimeyn qoto dheer, gaar ahaan dhinacyada amniga internet-ka, khiyaanooyinka dijitaalka ah iyo isticmaalka aqoonsiyo been abuur ah.




From the comments