MUQDISHO, Soomaaliya — Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga gashay muuqaal dhowaan ku baahay baraha bulshada, kaasi oo muujinayay shakhsiyaad ku labisan dareeska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku kacaya falal aan la aqbali karin oo ka dhanka ah calanka dalka Mareykanka.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in falkaasi uu yahay mid gabi ahaanba ka horimaanaya qiyamka, anshaxa, iyo xirfad-nimo ee laga filayo Ciidanka Qaranka, isla markaana uusan marnaba ka tarjumaynin aragtida Wasaaradda Gaashaandhigga ama tan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa shaaca ka qaadday in xilligan gacanta lagu dhigay shakhsiyaadkii ku lugta lahaa falkan, isla markaana uu hadda socdo baaritaan qoto dheer oo lagu ogaanayo duruufihii ku gedaannaa dhacdadan, si loo mariyo ciqaab adag oo isugu jirta mid anshaxeed iyo mid sharci.




From the comments