Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u shaaciyay natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee 11-ka degmo ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyadoo degmada Gaalkacyo ay noqotay tan ugu horreysa marka la eego tirada dadka isdiiwaangeliyay.
Sida lagu sheegay xogta guddiga, degmada Gaalkacyo waxaa laga diiwaangeliyay 65,950 codbixiye, taasoo ka dhigaysa degmada ugu codbixiyeyaal badan deegaannada Galmudug ee doorashooyinku ka qabsoomi doonaan.
Waxaa ku xigta degmada Caabudwaaq oo leh 48,358 codbixiye, halka Hobyo ay gashay kaalinta saddexaad iyadoo laga diiwaangeliyay 37,734 codbixiye.
Liiska degmooyinka kale ayaa muujinaya in Cadaado laga diiwaangeliyay 33,679 codbixiye, Dhuusamareeb 23,735, Guriceel 22,011, Xarardheere 9,929, Xeraale 8,872, Balanbale 7,349, Ceeldheer 5,435, halka Galcad/Masagawayn ay noqotay degmada ugu codbixiyeyaal yar diiwaangelinta, iyadoo laga qoray 4,368 codbixiye.
Guud ahaan, tirada codbixiyeyaasha laga diiwaangeliyay 11-ka degmo ee Galmudug ayaa gaartay 259,020 codbixiye, taasoo muujinaysa heerka ka-qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka doorashooyinka deegaanka.
Dhanka kale, guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in 1,273 musharax ay u taagan yihiin doorashooyinka Galmudug.
Musharaxiinta Golaha Wakiillada ayaa gaaraya 349 musharax, kuwaas oo ka socda 12 urur siyaasadeed, kuna tartamaya 89 kursi, halka 84% ay rag yihiin, 16%-na ay dumar yihiin.
Sidoo kale, doorashada Golaha Deegaanka waxaa ku tartamaya 924 musharax oo ka socda 16 urur siyaasadeed, kuwaas oo u loollamaya 243 kursi.
Shaacinta xogtan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo muujinaysa sii socoshada diyaar-garowga doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Galmudug, iyadoo la filayo in bulshada deegaannadu ay door muuqda ka qaataan doorashada maamullada deegaanka iyo Golaha Wakiillada.