Goobjoog

Golaha Wasiirrada XFS oo magacaabay Ergeyga Soomaaliya ee OIC iyo laba danjire oo cusub

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee la xiriirta magacaabista Ergeyga Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka…

Golaha Wasiirrada XFS oo magacaabay Ergeyga Soomaaliya ee OIC iyo laba danjire oo cusub

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee la xiriirta magacaabista Ergeyga Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub.

Go’aanka Golaha ayaa lagu dalacsiiyey Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar iyo Mudane Axmed Xaaji Maxamed Caynte darajada Safiirnimo, iyadoo loo aqoonsaday Danjirayaal cusub oo matali doona Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa Mudane Maxamed Cabdinuur u magacaabay Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), si uu u xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo ururka.

Magacaabista iyo dalacsiintan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo diblomaasiyadda dalka, korna loogu qaadayo matalaadda Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments