Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Safiirka aan caadiga ahayn ee awoodda buuxda u leh Algeria ee Soomaaliya, Maxamed Caliim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Wasiirku wuxuu soo dhaweeyay Safiirka cusub, isagoo mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in la ballaariyo iskaashiga Soomaaliya iyo Algeria.
Iskaashiga labada dhinac ayaa la sheegay inuu taabanayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo dhaqanka, iyadoo la filayo in safiirka cusub uu door ka qaato sii xoojinta xiriirka Muqdisho iyo Algiers.




From the comments