Goobjoog

Guddoomiyaha Mudug oo ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdinaasir Mareexaan, ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhaawacmay iska horimaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee magaalada. Dagaalka ayaa…

Guddoomiyaha Mudug oo ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug, Cabdinaasir Mareexaan, ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhaawacmay iska horimaad hubeysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca koonfureed ee magaalada.

Dagaalka ayaa la xiriira xiisad ka dhalatay hub ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga dejiyay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo, iyadoo wararku sheegayaan in qayb ka mid ah hubkaasi ay la wareegeen maleeshiyo beeleed la sheegay inay kasoo jeedaan dhinaca Galmudug.

Wararka laga helayo goobta ayaa sidoo kale sheegaya in hubka la isku haysto uu sababay isku dhaca, iyadoo maleeshiyooyin hubeysan ay bililiqeysteen ama la baxeen qayb ka mid ah saanadda milatari ee garoonka laga dejiyay.

Inta uu dagaalku socday waxaa sidoo kale dhaawacmay laba sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Galmudug, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah.

Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa hadda kacsan, iyadoo ciidamada iyo maleeshiyooyinka hubeysan ay ku jiraan iska horimaad, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda.

Ilaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee hubka la qaatay iyo cidda si rasmi ah u maamuleysa saanadda la isku hayo.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments