Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadashay xaaladda amni ee ka taagan magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo iyo hub ku soo dejisay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, iyadoo Puntland ay ku eedeysay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Puntland ayaa sheegtay in ciidamadan iyo hubka la sheegay in laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ay ku soo dhowaanayaan dhinaca Puntland, iyadoo walaac laga muujiyay inay horseedi karaan iska horimaadyo iyo khalkhal amni.
Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Galmudug iyo ciidamadeeda inay ka hortagaan wax kasta oo sababi kara amni-darro, iyadoo ku adkaysatay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda iyo hubkeeda ka saarto Gobolka Mudug, isla markaana la soo dhexmaro hub iyo ciidamo lagu wiiqayo nabadgelyada deegaanada Puntland.




From the comments