Islamabad, Pakistan — Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa kala saxiixday is-afgarad cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Is-afgaradka ayaa maanta magaalada Islamabad ku kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Pakistan, iyo Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Muhammad Asif.
Heshiiskan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta milatari, iyo horumarinta awoodaha difaaca ee Soomaaliya.




From the comments