Goobjoog

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Gargaar Bani’aadannimo oo Dhan $2.1 Milyan

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya la saxiixatay heshiis gargaar bani’aadannimo oo qiimihiisu yahay 15 milyan oo Yuan, oo u dhiganta ku dhawaad $2.1 milyan oo doollar, kaas oo lagu taageerayo bulshada…

Soomaaliya iyo Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Gargaar Bani’aadannimo oo Dhan $2.1 Milyan

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya la saxiixatay heshiis gargaar bani’aadannimo oo qiimihiisu yahay 15 milyan oo Yuan, oo u dhiganta ku dhawaad $2.1 milyan oo doollar, kaas oo lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed ee nugul ee ay saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu.

Gargaarka Shiinaha ayaa lagu gaarsiin doonaa bulshada ku nool qaar ka mid ah deegaannada sida weyn u saameeyeen xaaladaha bani’aadannimo, iyadoo la xoojinayo dadaallada gurmadka iyo taageerada dadka ay saameeyeen xaaladaha degdegga ah.

Danjire Wang Yu ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya siiyo, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga labada dal.

Dhinaca Soomaaliya ayaa dowladda Shiinaha uga mahadcelisay taageerada joogtada ah, gaar ahaan dadaallada lagu caawinayo dadka nugul iyo xoojinta awoodda dalka ee wax looga qabanayo musiibooyinka.

Heshiiskan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay weli wajahdo abaaro, fatahaado, colaado iyo barakac, kuwaas oo sababay in malaayiin qof ay u baahdaan gargaar bani’aadannimo.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments