Hargeysa – Caawa abbaaro 7:00 fiidnimo ayaa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan ciidamada milatariga maamulka Somaliland, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska.
Qaraxa ayaa sababay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Dhammaan dadka dhaawacmay ayaa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa si loogu daweeyo.
Sida Boolisku sheegay, bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, waxaana la sheegay in aanay jirin wax ujeeddo ah oo bambo-gacmeedka loogu tuuray goobta.
Taliska Ciidanka Booliska maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo faahfaahinta dhacdadan.
Boolisku waxa uu beeniyey wararka baraha bulshada lagu baahiyey ee sheegaya in magaalada Hargeysa uu ka dhacay qarax loo qorsheeyey.
Taliska ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin, isagoo sheegay in wararka noocaas ahi dhaawici karaan amniga iyo xasilloonida magaalada.
From the comments