Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, George Conway, iyo Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sandra Lattouf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF, gaar ahaan ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhismaha hannaan isku-duwan oo lagu soo tebiyo, lagu diiwaangeliyo, laguna dabagalo eedeymaha la xiriira xadgudubyada, iyo sidii tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya loogu muujin lahaa warbixinnada Qaramada Midoobay.




From the comments