Goobjoog

Hantidhawrka Guud oo Soo Saaray Warbixinta Baarista Dowladda ee 2025

Xafiiska Hantidhawraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si sanadle ah u soo saara warbixinnada baarista hay’adaha dowladda iyo shirkadaha ay leedahay ama qayb ku leedahay dowladda ayaa maanta soo…

Hantidhawrka Guud oo Soo Saaray Warbixinta Baarista Dowladda ee 2025

Xafiiska Hantidhawraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si sanadle ah u soo saara warbixinnada baarista hay’adaha dowladda iyo shirkadaha ay leedahay ama qayb ku leedahay dowladda ayaa maanta soo saaray warbixintii baarista uu sameeyay sanadkii 2025.

Baarista uu xafiisku sameeyo ayaa kala ah baarista maaliyadeed, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, baarista nidaamyada macluumaadka teknoolojiyadda, dib-u-eegista deeqaha dowladda iyo baarista gaarka ah.

BAARISTA MAALIYADDA

Xafiiska Hantidhawraha Guud wuxuu baaris ku sameeyay 30 mashruuc oo ay maalgeliyeen hay’ado caalami ah, kuwaas oo 22 ka mid ah ay maalgelisay Bangiga Adduunka, 7 ay maalgelisay Bangiga Horumarinta Afrika, halka hal mashruuc uu maalgeliyay Sanduuqa Caalamiga ah.

Baaristu waxay diiradda saartay maamulka maaliyadda, habraacyada iyo hannaanka iibka, u hoggaansanaanta sharciga, u hoggaansanaanta heshiisyada maalgelinta iyo fulinta mashaariicda.

Natiijada baarista ayaa muujisay in loo baahan yahay in la xoojiyo habraacyada bixinta qandaraasyada.

Baarista warbixinta maaliyadeed ee sanadlaha ah waxay ku saabsanayd lacagaha ay qabatay dowladda, lacagaha ay kharash-gareysay, qulqulka lacagaha iyo is-barbardhigga miisaaniyadda iyo waxa la qabtay.

Natiijada baaristu waxay muujisay in miisaaniyaddii iyo xisaabaadka kale ay is waafaqeen, isla markaana aysan jirin wax cillad ah. Faallada Hantidhawraha ee warbixinta maaliyadeed waxay ahayd “Unqualified”.

Dowladda Soomaaliya waxay heshiis dheef-wadaag ah kula jirtaa shirkadaha maamula garoonka iyo dekadda Muqdisho.

Shirkadda Favori oo dowladda ku leh saamiga 25% ayaa dowladda ka heshay lacag dhan $4,153,948, halka shirkadda Al-Bayrak oo dowladda ku leh saamiga 62.17% ay dowladda ka heshay lacag dhan $38,081,786.

Wadarta guud ee lacagta ay dowladda ka heshay labada heshiis waxay noqotay $42,235,734. Natiijada baaristu waxay muujisay in aan la helin warbixinta maaliyadeed ee shirkadda Al-Bayrak, sidaas darteedna aan la xaqiijin karin saxnaanta dakhliga la sheegay.

Marka laga hadlayo isku-xirnaanta nidaamka dakhliga iyo nidaamka maareynta maaliyadda, baaristu waxay ogaatay in todobo nidaam aysan ku xirnayn SFMIS.

Nidaamyadaas waxaa ka mid ah Nidaamka Diiwaangelinta Ganacsiga Soomaaliya, Nidaamka Maamulka Canshuuraha Elektarooniga ah, Nidaamka Canshuurta Waddo-marista, Nidaamka Canshuurta Dakhliga Kirada, E-Visa, Nidaamka Elektarooniga ah ee Dakhliga aan Canshuurta ahayn iyo Nidaamka Aruurinta Dakhliga ee DFS.

Isku-xirnaan la’aanta nidaamyadan waxay keeni kartaa khatar dhinaca kala duwanaanshaha xogta ah iyo dib u dhac ku yimaada diiwaangelinta dakhliga.

BAARISTA U HOGGAANSANAANTA SHARCIGA

Baarista u hoggaansanaanta sharciga waa baaris lagu xaqiijinayo in hay’adaha dowladda ay u hoggaansameen sharciga iyo habraacyada loo dejiyay. Baaristan waxaa lagu sameeyay 22 hay’adood oo miisaaniyaddoodu ahayd $821,996,254, taas oo ka ahayd 60.1% miisaaniyadda guud ee dowladda.

Baaristu waxay ku qotontay iibka, maamulka shaqaalaha iyo maamulka ilaalinta gudaha, waxaana laga helay 66 khalad.

Dhanka iibka, 59% hay’adihii la baaray ma aysan raacin habraacyada magacaabista guddiyada qandaraasyada sannadlaha ah, iyadoo hay’adahaasi ay fuliyeen iib dhan $18,554,459.

Sidoo kale, 53% hay’adaha la baaray ma aysan raacin habraacyada xulashada adeeg-bixiyeyaasha iyo la-taliyeyaasha.

Dhanka maamulka shaqaalaha, 46% hay’adihii la baaray ma aysan dhisin guddiyada dallacsiinta iyo anshaxa.

Waxaa sidoo kale lagu ogaaday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay dirtay 14 diblomaasi oo aan marin shuruudihii loo baahnaa, halka 19 shaqaale oo aan qaadan tababar diblomaasiyadeed la shaqaaleysiiyay.

Baaristu waxay sidoo kale muujisay in 50% hay’adihii baarista maray aysan hawlgelin baarayaasha gudaha. Arrimaha kale ee baaristu taabatay waxaa ka mid ahaa diiwaangelinta gaadiidka, heshiisyada dheef-wadaagga, diiwaangelinta hantida, deeqaha dibadda iyo maamulka iyo maareynta masaajidda.

BAARISTA WAXQABADKA

Baarista waxqabadka waxay taabatay arrimo ay ka mid yihiin waxbarasho tayo leh, duulista rayidka, ku filnaanshaha lacagta caddaanka ah ee qoysaska nugul iyo dib-u-eegista heshiiska dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta.

BAARISTA NIDAAMYADA MACLUUMAADKA TEKNOLOJIYADDA

Xafiiska Hantidhawraha Guud wuxuu sameeyay baaris cusub oo lagu sameeyay Nidaamka Macluumaadka Maareynta Waxbarashada Sare (HEMIS) iyo Nidaamka Macluumaadka Kheyraadka Aadanaha ee Shaqaalaha Rayidka. Waxaa sidoo kale dabagal lagu sameeyay SFMIS iyo Nidaamka Diiwaangelinta Ganacsiga Soomaaliya.

Labada baaris ee cusub waxaa laga helay 59 khalad, kuwaas oo 38 ka mid ah loo aqoonsaday inay yihiin khataro. Sidaa darteed, hay’adaha adeegsada nidaamyadan ayaa si degdeg ah ugu baahan inay xoojiyaan amniga nidaamyadaas isla markaana wax ka qabtaan khaladaadka iyo khataraha la ogaaday.

DIB-U-EEGISTA DEEQAHA DOWLADDA EE 2024 IYO 2025

Sanadkii 2024, dowladda Soomaaliya waxay heshay 3,125,402 shixnadood oo agab caafimaad ah, 55,324 mitric tan oo raashin ah, 1,207 teendho iyo 105 gaadiid ah.

Sanadkii 2025, dowladda waxay heshay 6,000,555 shixnadood oo agab caafimaad ah iyo 9 gaadiid ah.

Baarista deeqaha dowladda waxay muujisay in loo baahan yahay in deeqaha si degdeg ah looga diiwaangeliyo SFMIS ka hor inta aan la qaybin. Diiwaangelinta deeqaha ka hor qaybintooda waxay muhiim u tahay xaqiijinta jiritaanka xog sax ah, dabagalka deeqaha iyo xoojinta isla-xisaabtanka maamulka hantida iyo deeqaha dowladda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments