Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay fannaankii caanka ahaa Sheekh Cabdullaahi Zulfa, oo muddo ka badan 30 sano dalka dibaddiisa ku maqnaa.
Sheekh Cabdullaahi Zulfa ayaa ka mid ahaa fannaaniintii Kooxda Hobollada Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada, isagoo qeyb ka ahaa hal-abuurkii iyo fanka Soomaaliyeed ee xilliyadii hore.
Soo laabashadiisa Muqdisho ayaa loo arkay dhacdo farxad iyo xusuus gaar ah xambaarsan, iyadoo ay soo dhaweyntiisa ka qeyb qaateen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.




From the comments