Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada horumarinta dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Christophoros Politis.
Kadib kulanka, Wakiilka UNDP ayaa la kulmay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamsa Aadan Xaadoow, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo dhigaya hannaan lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo UNDP.




From the comments