Goobjoog

Soomaaliya oo Daahfurtay Qorshaha Dhismaha Golaha Qaran ee Dadweynaha iyo Horumarinta

Muqdisho, 11 Agoosto 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay qorshaha lagu dhisayo Golaha Qaran ee Dadweynaha iyo Horumarinta (National Council for Population and Development). Golahan ayaa Dowladda ka…

Soomaaliya oo Daahfurtay Qorshaha Dhismaha Golaha Qaran ee Dadweynaha iyo Horumarinta

Muqdisho, 11 Agoosto 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay qorshaha lagu dhisayo Golaha Qaran ee Dadweynaha iyo Horumarinta (National Council for Population and Development).

Golahan ayaa Dowladda ka taageeri doona in qorshayaasha horumarinta dalka lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, shaqo-abuurka, hoyga iyo adeegyada kale ee bulshada.

Golaha ayaa mideyn doona dadaallada Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta kale, si arrimaha la xiriira dadweynaha loogu daro qorshayaasha horumarinta dalka, loogana shaqeeyo adeegyo iyo fursado si wanaagsan u gaara bulshada.

Munaasabadda waxaa ka qayb galay madax ka kala socotay hay’adaha Dowladda, Qaramada Midoobay, deeq-bixiyeyaasha, bulshada rayidka ah, bahda waxbarashada iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Ka qaybgalayaashu waxay soo dhaweeyeen hindisaha, iyagoo muujiyay taageeradooda ku aaddan dhismaha Gole wax-ku-ool ah.

Dhismaha Golaha Qaran ee Dadweynaha iyo Horumarinta ayaa ka dhashay ballanqaadyadii Soomaaliya ay ku gaartay shirkii ICPD25 ee Nairobi, wuxuuna sidoo kale taageerayaa hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments