Beledweyne – Magaalada Beledweyne ayaa dhawaan lagu qabtay kulan wadatashi ah oo socday muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu xoojinayay iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhexeeya xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda, si looga hortago khilaafaadka ka dhasha tartanka kheyraadka dabiiciga ah.
Kulanka waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta Hirshabeelle, iyadoo UNTMIS ay taageero ka geysatay qabsoomidda kulanka.
Intii uu socday wadatashiga, waxaa si gaar ah looga hadlay sidii loo maareyn lahaa khilaafaadka ka dhasha isticmaalka dhulka daaqa iyo kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo sidoo kale xoogga la saaray ilaalinta deegaanka iyo sidii loo heli lahaa hannaan bulsho oo lagu yareeyo isku dhacyada u dhexeeya beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada.




From the comments