Goobjoog

AUSSOM iyo Türkiye oo adkeeyay iskaashiga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya

Muqdisho — Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Safiirka Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper…

AUSSOM iyo Türkiye oo adkeeyay iskaashiga amniga iyo xasilloonida Soomaaliya

Muqdisho — Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Safiirka Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga muddada dheer ee u dhexeeya AUSSOM iyo Türkiye, gaar ahaan taageerada dadaallada ay Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga caalamiga ah, iyagoo isku raacay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu taageerayo nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments