Khartoum – Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Sudan, Danjire Dr. Axmed Jaamac Cumar, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meel-gaarka ah ee Sudan ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan.
Munaasabadda ayaa ka dhacday Madaxtooyada Jamhuuriyadda ee magaalada Khartoum, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Sudan, Muhyiddin Saalim.
Danjire Axmed Jaamac Cumar ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo lagu guddoomayo Madaxtooyada Khartoum tan iyo markii uu dagaalka Sudan billowday, taas oo muujinaysa dib-u-soo-noqoshada howlaha diblomaasiyadeed ee xarunta caasimadda.




From the comments