Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Xoghaynta Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA), Mudane Wamkele Mene.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa looga hadlay hirgelinta heshiiska AfCFTA iyo doorka uu ka qaadan karo horumarinta ajandaha Midowga Afrika ee Agenda 2063.
Xoghayaha Guud ee AfCFTA ayaa wasiirka warbixin ka siiyay howlaha iyo hirgelinta waajibaadka AfCFTA, halka Wasiir Cabdisalaam uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada iyo ka faa’iideysiga heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaaradda.




From the comments