Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in laba wiil oo xoolo-dhaqato ah ay dileen mid ka mid ah horjoogayaasha Al-Shabaab ee sida weyn uga howlgali jiray gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday 17 Agoosto 2026 degmada Ruunirgood, waxaana lagu dilay horjoogaha oo lagu magacaabi jiray Xasan Alasow Rage, oo sidoo kale loo yaqaanay Xasan Husuuley, kaas oo da’diisu ahayd 50 sano.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Xasan Alasow uu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-Shabaab ee ka howlgala Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu mas’uul ka ahaa howlaha gaadiidka kooxda ee gobolka. Waxa kale oo uu horey u ahaa madaxa ururinta waxa kooxda ugu yeerto “Zakada” ee degmada Ruunirgood.
Sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda, labada wiil ee xoolo-dhaqatada ah ayaa dilka kaddib gacanta ku dhigay qorigiisii AK-47 iyo rasaastii uu watay.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in horjoogahan uu dhibaatooyin badan ku hayay dadka deegaanka Ruunirgood iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoolo iyo hanti lagala wareego, xannibaado lagu soo rogo isu-socodka dadka iyo barakicin ku qasabtay qaar ka mid ah shacabka inay ka cararaan guryahooda.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa bogaadisay tallaabada ay qaadeen dadka deegaanka, iyadoo sheegtay inay muujinayso sida bulshada Soomaaliyeed uga go’an tahay inay ka hortagaan Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan.