Koox hubeysan ayaa la wareegtay markab xamuul ah oo marayay Gacanka Cadmeed, waxaana markabka loo leexiyay dhanka Soomaaliya, sida ay xaqiijisay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).
UKMTO ayaa sheegtay in markabku uu ku sugnaa qiyaastii 136 mayl-badeed oo bari ka xigta magaalada Al-Mukalla ee Yemen, xilli uu galbeed ugu safrayay Gacanka Cadmeed. Markabka ayaa markii hore diray fariin degdeg ah kadib markii ay u soo dhawaatay doon aan la aqoonsan.
Warbixin dambe oo ay soo saartay UKMTO ayaa xaqiijisay in lix qof oo hubeysan ay fuuleen markabka, gacantana ku dhigeen, kadibna ay beddeleen jihadii uu ku socday, iyagoo u leexiyay dhanka Soomaaliya. Hay’adaha ammaanka ayaa haatan baaraya dhacdada.
Ilaa hadda lama shaacin magaca markabka, jinsiyadda shaqaalaha saaran ama xaaladdooda, sidoo kalena ma jirto koox si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda dhacdadan.
UKMTO waxay maraakiibta kale ee ku safraya aagga uga digtay inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dib u soo xoogeysanayaan weerarrada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed. 17-kii Agoosto, markabkii xamuulka ahaa ee Lutuf ayaa lagu qabsaday meel u dhow xeebaha Soomaaliya, kadib markii siddeed qof oo hubeysan ay la wareegeen.
Dhacdadii maanta waxay sare u qaadaysaa walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga ee mara Gacanka Cadmeed, gaar ahaan xilli gobolka uu wajahayo xiisado amni oo ka dhashay weerarrada Xuutiyiinta Yemen iyo khilaafaadka ka taagan Bariga Dhexe.
Ilaa hadda, lama xaqiijin in kooxda markabka qabsatay ay yihiin burcad-badeed Soomaali ah ama koox kale. Baaritaanka hay’adaha amniga ayaa socda.
From the comments