Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee Manhattan, Jeannette Vargas, ayaa Jimcihii 21-ka Agoosto 2026 laashay siyaasaddii maamulka Madaxweyne Donald Trump ee hakisay hab-socodka bixinta fiisooyinka muhaajiriinta ee muwaadiniinta 75 waddan, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Garsoore Vargas ayaa go’aamisay in siyaasadda uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku soo saartay Janaayo, ayna dhaqan-gelisay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, ay ahayd mid “si cad uga hor imaanaysa sharciga” isla markaana ka baxsan awoodda sharci ee xoghayaha.
Maxkamaddu waxay sheegtay in sharciga socdaalka Mareykanku awoodda go’aaminta fiisaha u dhiibay saraakiisha qunsuliyadaha, kuwaas oo ay tahay inay codsade kasta si gaar ah u qiimeeyaan.
Sidaa darteed, in si guud loo joojiyo fiisooyinka iyadoo lagu salaynayo dhalashada qofka ayaa maxkamaddu u aragtay inay ka hor imanayso nidaamka uu Kongareeska dejiyay.
Siyaasadda la laalay ayaa saameysay muwaadiniinta 75 waddan oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya, Bariga Dhexe, Latin America, Balkans iyo Caribbean-ka. Dowladda Mareykanka waxay markii hore ku sababaysay hakinta walaac la xiriira in qaar ka mid ah dadka dalalkaas ka imaanaya ay mustaqbalka ku tiirsanaan karaan adeegyada iyo kaalmada dowladda Mareykanka.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ay go’aanka maxkamaddu si toos ah u saameyn karto, gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee sugayay ama qorsheynayay fiisooyinka muhaajiriinta ee Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankan macnaheedu ma aha in dhammaan xayiraadaha socdaalka ee Mareykanka laga qaaday muwaadiniinta Soomaaliya.
From the comments