Goobjoog

Kooxo hubaysan oo calan ka taagay magaalada Marka

Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo dhawaan ku dhawaaqay maamul ay ugu magac dareen “Koonfur-bari Soomaaliya” ay gudaha magaalada soo…

Kooxo hubaysan oo calan ka taagay magaalada Marka

Wararka laga helayo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo dhawaan ku dhawaaqay maamul ay ugu magac dareen “Koonfur-bari Soomaaliya” ay gudaha magaalada soo galeen, isla markaana ay halkaasi ka taageen calankooda.

Kooxda ayaa la wareegtay inta badan magaalada Marko sida Xarunta maamulka.

Kooxdan ayaa hore uga dhawaaqday maamul cusub, iyagoo sheegay in aysan ka tirsanayn Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida warbaahinta maxalliga ah hore u baahisay, maamulkaasi waxaa looga dhawaaqay Marka bishii May 2026, balse weli ma haysto aqoonsi rasmi ah oo ka yimid Dowladda Federaalka ama Koonfur Galbeed.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada Marka iyo guud ahaan Shabeellaha Hoose ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo xasaasi ah, iyadoo gobolka uu muhiim u yahay amniga Muqdisho iyo isku socodka koonfurta Soomaaliya.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo madax-bannaan oo si cad u xaqiijinaya cidda hubaysan ee magaalada la wareegtay ama xaaladda ay hadda ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments