Goobjoog

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kenya ka dalbaday in la soo xiro Laftagareen

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cismaan Isaaq Maxamed, ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay soo xirto madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isla markaana u soo gacan…

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed oo Kenya ka dalbaday in la soo xiro Laftagareen

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cismaan Isaaq Maxamed, ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay soo xirto madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isla markaana u soo gacan geliso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Laftagareen lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay weerarradii iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo dalbaday in loo maro Interpol si loogu soo celiyo Soomaaliya oo lala xisaabtamo.

Baaqan ayaa yimid kaddib dagaallo culus oo Baydhabo ka dhacay, kuwaas oo ay ku lug lahaayeen ciidamo taabacsan Laftagareen iyo ciidamada dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed. Ciidamada dowladda ayaa markii dambe dib ula wareegay goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku eedeysay xoogagga Laftagareen inay weerarka kaashadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay adeegsadeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Eedeymahan si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirto xukun maxkamadeed oo Laftagareen ku caddeeyay eedahaas.

Laftagareen ayaa tan iyo markii uu Baydhabo ka baxay ku sugnaa Kenya, iyadoo khilaafka u dhexeeya isaga iyo dowladda Federaalka uu muddo bilo ah ka dhashay arrimaha dastuurka iyo doorashada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments