Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa Soomaaliya ka daahfuray wejiga cusub ee Mashruuca Maalgelinta iyo Adkeysiga Khataraha Masiibooyinka (ADRiFi), kaas oo lagu maalgelinayo ku dhawaad $19 milyan.
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Bangiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo maaraynta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
ADRiFi wuxuu si gaar ah u taageerayaa diyaar-garowga iyo ka-hortagga saameynta abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee la xiriira cimilada, kuwaas oo si weyn u saameeya bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed.
Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in maalgelintan ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhisayo adkeysiga bulshada iyo kaabayaasha dalka, si Soomaaliya ay si wanaagsan uga jawaabto khataraha cimilada ee mustaqbalka.
Mashruuca ayaa si wadajir ah u fulin doona AfDB, SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga sugayo jadwalka maalgelinta, deegaannada mudnaanta la siin doono iyo tirada dadka sida tooska ah uga faa’iidaysan doona.
Daahfurka mashruucan ayaa Soomaaliya u noqon kara fursad lagu xoojiyo nidaamyada digniinta hore, diyaar-garowga musiibooyinka iyo taageerada bulshada nugul xilliyada ay dhacaan abaaraha iyo fatahaadaha.