Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa Soomaaliya ka daahfuray wejiga cusub ee Mashruuca Maalgelinta iyo Adkeysiga Khataraha Masiibooyinka (ADRiFi), kaas oo lagu maalgelinayo ku dhawaad $19 milyan.
Mashruucan oo ay iska kaashanayaan Bangiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo maaraynta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
ADRiFi wuxuu si gaar ah u taageerayaa diyaar-garowga iyo ka-hortagga saameynta abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha iyo musiibooyinka kale ee la xiriira cimilada, kuwaas oo si weyn u saameeya bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed.




From the comments